Saturday, July 27, 2024

Faransiiska iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xiisadda Badda Cas

Paris (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Marwo Catherine Colonna, ayaa dhiggeeda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf kala hadashay xaaladihii ugu dambeeyay ee Badda Cas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska.

Qoraalka Wasaaradda ayaa xusay in Colonna ay tilmaamtay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka xorriyadda socdaalka, taas oo ah mid ka mid ah mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.

Colonna ayaa intaas raacisay in dalkeeda uu qaadi doono dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah sidii loo sugi lahaa ammaanka Badda Cas.

Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeysay in Dowladdeedu taageyreyso dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay wadaan dalalka IGAD oo ay hoggaamiso Jabuuti, si loo xaqiijiyo xabbad joojin ka hirgasha dalka Suudaan iyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar bini aadantinimo dadka dhibaateysan.

Labada Wasiir ayaa muujiyay go’aankooda ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga dhibaatada sii kordheysa ee Badda Cas.

Wafdi heersare ah oo ay hoggaaminayeen Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa booqasho shaqo ku tegay Jabuuti bishii lasoo dhaafay ee December, iyaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta ugu sarreysa, sida Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xilligaas warbaahinta gudaha u sheegay in labada dowladood ay si qota dheer uga wada xaajoodeen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya taas oo looga gol leeyahay in la saxiixo dhowr heshiis oo cusub bilaha soo socda.

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska Afrika ayna ku noolyihiin 1.1 milyan oo qof, mana go’in xiriirka xooggan ee kala dhaxeeyay dowladda Faransiiska tan iyo markii ay xornimada qaateen 1977-kii.

Jabuuti waxaa ku yaal saldhigga ugu weyn ee Faransiisku ku leeyahay Qaaradda Afrika oo ay joogaan (1,500 oo askari).

10-kii bishii December, Ciidamada Badda ee Faransiisia ayaa sheegay in Markabkooda dagaal ee lagu magacaabo “Languedoc” in uu soo riday laba diyaaradood ah oo kuwa aan duuliyaha aan lahayn oo ka timid dhanka Yemen.

Labadan diyaarad ayaa lagu soo riday meel qiyaastii 110 KM u jirta xeebta Magaalada Xudeydah ee dalka Yemen oo istaraatiiji ah, taas oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer weerartay Maraakiibta ganacsi ee mareysa Badda Cas kuwaas oo xiriir la leh Israel si ay taageero ugu muujiyaan Falastiiniyiinta ku go’doonsan Marinka Gaza

18-kii bishii December, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay ciidan-badeed oo ay ku jiraan dalal dhowr ah si looga hortago weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here