Monday, December 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Khadiijo Maxamed Al Makhzuumi Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale. Daahir Shire Maxamed  umagacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, xilkaas oo horay u hayay Cabdirisaaq Cumar Maxamed..

Sidoo kale, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) ayaa loo magacaabay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, halka Cismaan Axmed Macoow loo magacaabay ku xigeenka  Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha xilkaas oo uu horay u hayey Ibraahim Maxamed Cali.

Suuriya

Hoggaamiyaha Hay’adda Tahrir al-Sham (HTS), Abu Mohammad al-Jolani, ayaa Sabtidii ku baaqay in cunaqabataynta la saaray Suuriya laga qaado,  go,aanka intii uu shir kula jiray wafti uu hoggaaminayay Barbara Leaf, oo ah diblomaasiga sare ee Mareykanka ee Bariga Dhexe.  Ayuu ku baaqay .

Qasa

Tan iyo Oktoobar 2023, Israa’iil ayaa ku dishay Daanta Galbeed ugu yaraan 823 qof, oo ay ku jiraan 160 carruur ah, iyadoo 6,600 kalena la dhaawacay, halka 12,100 qof la xabsiga loo taxaabay. 

Israa’iil

Xiisadaha ka jira Badda Cas iyo is-weydaarsiga weerarrada u dhexeeya Israa’iil, Mareykanka, Boqortooyada Midowday, iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sii kordhaya. 

Ugu yaraan 20 qof oo Israa’iil ah ayaa ku dhaawacmay Sabtidii, kadib markii gantaal ka yimid Yemen uu ku dhacay aagga Tel Aviv-Jaffa ee bartamaha Israa’iil. 

Koonfur Kuuriya 

Xiisadaha siyaasadeed ee Koonfur Kuuriya kadib fashilka sharci-dejinta millatariga ee uu soo rogay Madaxweynaha Yoon Suk Yeol. Dhowr sarkaal oo baaritaanno ku socdeen ayaa la xiray si loo sii wado baaritaannada. 

Georgia

Georgia ayaa wajahaysa xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya kadib markii Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Irakli Kobakhidze, uu ku dhawaaqay in wadahadalka ay la lahaayeen Midowga Yurub la hakiyay ilaa 2028. Tallaabadan ayaa dhalisay mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhacay caasimadda Tbilisi iyo dhaleeceyn caalami ah. 

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here