Sunday, May 19, 2024

Liibiya… Tahriibayaal u badan Soomaali oo afduub laga soo badbaadiyay

Benghazi (Dawan)- Wararka laga helayo dalka Liibiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 107 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur in laga soo badbaadiyay koox afduub ugu haysatay tuulo ku taal Koonfur Bari ee dalkaas.

Afhayeen u hadlay waaxda dambi baarista ee magaalada Benghazi ayaa sheegay in qaar ka mid ah tahriibayaashan afduub loo haystay muddo 7 bilood ah, iyaga oo marki hore qorsheynayay in ay tahriib ku galaan Yurub.

Afhayeenka ayaa warbaahinta u sheegay in tahriibayaasha lasoo badbaadiyay ay kasoo kala jeedaan dalalka Afrika laakin intooda badan ay yihiin Soomaali, inkasta uusan carrabaabin tirada Soomaalida.

“Waxaan helnay xog ku saabsan in dad tahriibayaal ah lagu haysto bartamaha magaalada Kufra. Waxaan ku qaadnay weerar, waxaana helnay 107 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween, carruur iyo waayeel kuwaas oo ay jirkooda ka muuqato calaamado muujinaya in lagu sameeyay jirdil. Qaarkood waxaa lagu dhaawacay xabbad” ayuu yiri, afhayeenka waaxda dambi baarista ee magaalada Benghazi.

Dhammaan dadkii lasoo badbaadiyay ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh dadka sida sharci darrada ah kusoo galay dalka Liibiya.

Dalka Liibiya hadda waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo dhawaan gaarsiiyay madaxweynaha dalkaas dhambaal uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, waxeyna isla soo qaaden arrimaha ay labada dal iska kaashan karaan xilligaan la joogo.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii October ee sannadkii hore ku guuleysatay in dalka dib ugu soo celiso in ka badan 100 muwaadiniin ah kuwaas oo ka xayirnaa dalka Liibiya.

Dadka lasoo celiyay ayaa intoodan markii hore qaab tahriib ah ku galay Libya si ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub, iyada oo qaarkood ay gacanta u galeen kooxaha burcadda ah ee dadka ka qaata lacago madax furasho ah.

Sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, celcelis ahaan inta u dhaxaysa 2,500 ilaa 3,000 oo qof ayaa ku dhinta ama lagu waayaa badda sannad kasta.

Sannadkii 2023, xogtu waxay muujinaysaa in tirada guud ee dadka la la’yahay iyo dhimashadu in ay gaareyso 2,652 oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here