Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza – Ciidamada Israel ayaa howlgal militari ka wada magaalada Rafax ee ku taal dhanka koonfureed ee marinka Gaza.

Duulaanka Israel ee soo billaawday bishii October ee la soo dhaafay, waxaa ku dhintay in ka badan 34,900 oo qof halka in ka badan 78,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen iyada oo dadka ku nool marinka Gaza ay qarka u saaranyihiin inay macluul u dhintaan.

Ramallah – Dhanka kale weerarada ay ciidamada Israel ka fuliyeen Daanta Galbeed tan iyo 7-dii October, waxaa ku naf waayay ku dhawaad 500 oo Falastiiniyiin ah, halka uu dhaawac soo gaaray ku dhawaad 4,950, waxaana xabsiyada loo taxaabay in ka badan 8,677.

ISRAEL

Tel Aviv – Gudaha Israel waxaa ka socda mudaaharaadyo ballaaran oo lagu dalbanayo xabbad joojin iyo in xukuumadda Israel ogolaato is dhaafsiga maxaabiista.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Netanyahu ayaa lagu dhaliilay inaysan dooneynin in lasoo gabagabeeyo dagaalka Gaza.

LEBANON

Beirut –Waxaa sii socda weerarada dhanka xudduudaha ah ee u dhexeeya Xisbullaahi iyo Israel, ee bilaawday bishii October ee la soo dhaafay, waana isku dhacyadii ugu dhimashada badnaa ee labada dhinac dhex mara tan iyo dagaalkii tooska ahaa ee 2006-dii.

Labo qof ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha Israel ka gaysteen tuulada Dayr Xarfa ee koonfurta Lubnaan. Xisbullaahi, ayaa dhankeeda weerartay xarumaha ciidamada Israel ee ku yaal waqooyiga dalkaas.

AFGHANISTAN

Kabul – Daadad xooggan ayaa ku dhuftay waqooyiga iyo waqooyi bari ee dalka Afghanistan, waxaana lasoo warinaya in ay ku dhinteen ugu yaraan 50 qof.

NIGERIA

Abuja – Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan Markle ayaa booqasho saddex maalin ah ku jooga dalka Nigeria, waxaana lagu wadaa in ay booqdaan xarumaha hay’adaha samafalka iyo isbitaalada ay ku jiraan askarta dhaawaca ah.

CIYAARAHA

UK

London – Kooxda Manchester City oo dooneysa in ay hoggaanka horyaalka Ingiriiska kala wareegto Arsenal ayaa galabta booqan doonta garoonka Craven Cottage ee kooxda Fulham .

Man City oo hadda ku jirta kaalinta labaad, waxa ay aruursatay 82 dhibcood iyada oo ciyaartay 35 kulan, waxaana hal dhibac ka horeeysa kooxda Arsenal oo ciyaartay 36 kulan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here