Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Halkaan kala soco wararka dunida oo kooban, adiga oo faahfaahinta iyo sheekooyin kale ka heli kara bogaga aan ku leenahay Baraha Bulshada ee Dawan TV.

Mexico-Mareykanka

Wafdi ka socday Mareykanka ayaa la kulmay Madaxweynaha Mexico, Andres Manuel Lopez Obrador si ay uga wada hadlaan wax ka qabashada  muhaajiriinta sida sharci darrada ah isaga gudbaaya xudduudadaha ay wadaagaan labada dal iyo xal u helidda dhanka amniga xudduudaha.

Argentine

Kumanaan reer Argentine ah ayaa isugu soo baxay Caasimadda Buenos Aires si ay dhigaan mudaaharaad ay uga soo  horjeedaan siyaasadda  dhaqaalaha ee uu la yimid Madaxweyne Javier Milei.

Gaza

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay musiibo caafimaad darro oo ka dhacda Marinka Gaza, maadaama ay isbitaalladi awoodi waayeen in ay bixiyaan adeegyada caafimaad kadib duqeymaha ay  Israa’iil ka fulisay Marinka.

Paris

Guddoomiyihii  hore ee Guddiga Midowga  Yurub, Jacques Delors ayaa ku dhintay gurigiisa oo ku yaal Magaalada Paris, xilli uu hurdayay, Arbacadii isagoo 98 jir ah.

Masar-Suudaan

Masar ayaa Arbacadii ugu baaqday muwaadiniinteeda inay si deg deg ah uga soo baxaan dalka ay dariska yihiin ee Sudaan, sidoo kalena waxa ay mamnuucaday in loo safro xaalad kasta oo jirta.

Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in uu doonayo in uu kor u qaado awoodda  dalkiisa, si uu  Ruushku u dareensiiyo in ay ka jawaabi karaan duqeymaha uu ku hayo  Ukraine.

Mareykanka

Maxkamadda sare ee Gobolka Michigan ee dalka Mareykanka ayaa diiday Arbacdii inay dhageysato dacwad  lagu doonayay in Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump looga mamnuuco ka qeyb galka doorashada Madaxtinimada ee 2024-ka.

Kuuriyada Koonfureed

Kuuriyada Koonfureed ayaa Arbacadii sheegtay inay heshiis la saxiixatay Mareykanka si ay uga soo iibsato 20 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here