Saturday, July 27, 2024

Macallimiinta Woqooyi-Bari Kenya oo la faray in ay dib ugu noqdaan shaqadooda

Nairobi (Dawan)- Guddiga Adeegga Macallimiinta dalka Kenya ee loo soo gaabiyo (TSC) ayaa ku amray Barayaashi iska diiday in wax ka dhigaan dusgiyada kala duwan ee Waqooyi-Bari Kenya in ay dib ugu laabtaan shaqadoodi.

Macallimiintaan ayaa hore u dalbaday in beddel shaqo loo sameeyo iyaga oo cabasho ka muujiyay xaaladda amni ee Gobolka Waqooyi-Bari Kenya.

Guddiga Adeegga Macallimiinta dalka Kenya ayaa shaqo joojin ku sameeyay Barayaashaan kadib markii ay ka gaabiyeen shaqadii waxbaridda ee dugsiyadii ay ka howlgeli jireen taas oo saameyn ku yeelatay hannaanka waxbrasho ee deegaanka.

Barayaashan oo gaaraya ila 122 Macallin oo wax ka dhigayay Dugsiyada Hoose, Dhexe  iyo Sare ee Ismamulada Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera aya lagu amray in ay 8-da January dib ugu labtaan goobihii ay wax ka dhigayeen.

Go’aanka cusub ee ka soo baxay TSC aya daba socdo ka dib hadalkii Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ee ahaa in Guddiga Adeegga Macallimiintu uusan shaqada ka joojin karin Barayaasha Gobolka Waqooyi Bari.

Rigathi Gachagua ayaa xusay in TSC aynan ciqaabi karin shakhsiyaad naftooda u cabsaday isaga oo ugu baaqay Ismaamullada Gobolka Waqooyi-Bari in ay xoogga saaraan sidii wax looga qaban lahaa amni xumada ka jirta deegaanka.

Macallimiintii lagu soo celiyay shaqada ayaan wali war kasoo saarin go’aanka Guddiga Adeegga Macallimiinta dalka Kenya iyada oo la filayo in ay dib usoo celiyaan dalabkoodi ahaa in loo beddelo deegaano kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here