Thursday, June 12, 2025

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Abukar Osman

MUQDISHO

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku wareejiyey xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Hiiraan dawooyin loogu talagalay ciidamada Macawisleyda ee gobolka Hiiraan

JIGJIGA

Maanta waxaa si rasmi ah uga bilaawday Dowlad Deegaanka Soomaalida(DDS) Imtixaanka Fasalka 8aad ee shaadiga ah, iyadoo in ka badan 35,000 oo arday ay u fadhiisteen imtixaankan

BELEDWEYNE

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si weyn uga qayb galay dabaaldegga 48-aad ee Aasaaska Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, kaas oo si rasmi ah looga xusay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

AUSTRIA

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay , tobannaan kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho oo maanta ka dhacay iskuul ku yaalla magaalada Graz ee koonfurta dalka Austria, iyadoo la aaminsanyahay qofka weerarka fuliyay inuu sidoo kale dhintay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Austria.

MUQDISHO

Gudiga qabanqaabada ee Madasha wadatashiga, oo loo madalsanyahay in ay dhacdo 15-ka bishaan June, ayaa maanta ka hadlay arimaha looga hadli doono madasha uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku baaqay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here