Saturday, July 27, 2024

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dowladda iyo A S

Muqdisho (Dawan)- Dagaalka ay dowladdu kula jirto Kooxda Al-shabaab ayaa xoogeystay tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii hore iyada oo ay dowladdu sheegatay in ay deegaano badan kala wareegtay Al-shabaab.

  • Al-shabab ayaa dhankooda kordhiyay qaraxyada iyo weerarada ay la beegsanayaan xarumaha ciidamda dowladda, waxaana ugu dambeeyay weerar ay xalay ku qaadeen saldhig ciidanka dowladdu ay ku leeyihiin deegaanka Jazeera ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalku socday muddo , isaga oo sababay khasaaro isagu jirta dhimasho iyo dhaawac laba dhinac ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyada oo xustay in ay dagaalka ku dileen tiro ka mid ah ciidamada dowladda.

Dhanka Dowladda weli war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka kama soo bixin.

  • Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Kooxda Al-shabaab kala wareegay gacan ku haynta deegaanka Eel-Boon oo qiyaastii 48 KM dhanka Galbeedka kaga beegan degmada Waajid ee Gobolka Bokool, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here