Saturday, July 27, 2024

Kenya oo dabagal ku heysa shaqaalaha dowladda ee lacagaha dhigta dibadda

Nairobi (Dawan)- Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee dalka Kenya ayaa baaritaan ku billaabay shaqaalaha dowladda ee dibadda ku leh account Bank.

Tillaabadaan ayaa looga gol leeyahay sidii looga hortegi lahaa wax isaba marin iyo musuqmaasuq.

Madaxa fulinta ee Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, Twalib Mbarak ayaa bayaan ku sheegay in tillaabo sharciyeed laga qaadi doono saraakiisha aan oggolaansho dowladeed heysanin ee dibadda ku leh account Bank
Guddigu waxa uu intaas raaciiyay in ay dembi tahay in shaqaale dowladeed uu dibadda ku lahaado account Banki iyada oo aan loo ansixin.

Twalib Mbarak ayaa yiri ” Sharciga iyo dasturka dalka ma ogolo in sarkaal dowladeed uu ka furto account Bank waddanka dibaddiisa isaga oo aan oggolaansho ka heysanin Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa”

Bayaanka ayaa lagu cadeeyay in qofki lagu helo inuu account ku leeyahay dibadda isaga oo aan sharci u hasanin inuu la kulmi doono xabsi shan sano ah ama ganaax lacageed oo ah 5 milyan oo shilin ama in labadaba la isugu daro.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in xeerkaan uusan qaban doonin shaqaalaha safaaradaha Kenya ay ku leedahay dibadda.
Sarkaalka dowladda ayaa laga doonaya inuu warbixinta sanadlaha ee account Bank u gudbiyo Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ugu dambeyn 31-da bisha koowaad haddii la xirayna waa in guddiga caddeeymo loo bandhigo muddo 30 cisho gudaheeda ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here