Sunday, June 15, 2025

1.4 Milyan oo Carruur ah oo Lagu Talaalayo Wareeggan Labaad

Jigjiga, DDS – Wareegga labaad ee ololaha talaalka isku dhafka ah ee ka dhanka ah cudurka dabaysha (polio) ayaa si rasmi ah uga bilowday magaalada Jigjiga, iyadoo uu socon doono intii u dhaxaysay 10-ka ilaa 13-ka Juun 2025.

Ololahan oo uu soo diyaariyey Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), kuna fulaya iskaashi ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Itoobiya, ayaa lagu wadaa in lagu talaalo in ka badan 1.4 milyan oo caruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano, iyadoo lagu booqanayo guri kasta si loo hubiyo in aan caruurta laga tagin.

Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS, Xawo Suleyman, ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in bulshada ay ka faa’iideystaan ololahan, iyadoo tilmaantay in ololuhu uu si rasmi ah uga dhacayo 11-ka gobol iyo 95 degmo oo ay ka mid yihiin lix maamul magaalo.

“Maanta waxa iskugu nimid daahfurka talaalka dabaysha wareeggiisa labaad oo ka socon doona dhammaan gobollada iyo degmooyinka deegaanka. Waxaa la talaali doonaa in ka badan 1.4 milyan oo caruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano,” ayey tiri Xawo Suleyman.

Ololahan oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Aan talaalno caruurteena si aan uga hortagno cudurka dabaysha”, ayaa ujeedkiisu yahay in la xaqiijiyo in dhammaan caruurta da’da yar laga ilaaliyo halista cudurrada faafa, gaar ahaan dabaysha oo ah cudur khatar ku ah nolosha iyo caafimaadka ubadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here