Sunday, May 19, 2024

Amnesty oo sheegtay in duqeymaha Turkiga ee Soomaaliya ay ku dhinteen dad rayid ah

Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Turkiga in ay dad rayid ah ku dishay duqeymo ay ka fulisay Soomaaliya 18-kii March 2024.

Baaritaan ay dhawaan sameysay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in labo duqeyn oo ay fuliyeen ciidamada Milatariga Soomaaliya oo taageero ka helaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay 23 qof oo rayid ah ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.


Duqeymaha ayaa ka dhacay deegaan 3 kilometer u jira Tuulada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay Afar iyo toban carruur ah, shan dumar ah, iyo afar rag ah iyada oo sidoo kale ay dhaawacmeen dad gaaraya 17 qof oo kale oo ay ku jiraan carruur.

Baaritaanka ay samaysay Amnesty International ayaa lagu xaqiijiyay in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga kuwaas oo taageera dhanka cirka ah siiya ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Tigere Chagutah, oo ah Agaasimaha Goboleedka ee Amnesty International u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaa sheegay in weerarada aan loo meel dayin ay noqon karaan dambiyo dagaal, isaga oo ugu baaqay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga inay baaritaan ku sameeyaan weerarrada lagu dilay dadka rayidka ah, lana soo afjaro weerarrada aan ka fiirsiga lahayn ee lagu hayo dadka rayidka ah.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya wax jawaab ah kama soo saarin ilaa iyo hadda eedeynta loo jeediyay ee ku saabsan in howlgal ay wada fuliyeen lagu dilay dad rayid ah.

Dowladda Turkigu waxay gudaha Soomaaliya ku leeyahay xarunta ugu weyn ee tababar ciidan, waxayna soo saartaa kumannaan ciidan ah oo leh tababaro heer sare ah, qeyb weyna waxa ay ka qaadata hubeynta ciidamada, iyada oo xilliyadii ugu dambeyay ku biirtay howlgallada lagula dagaallamayo ururka Al-Shabaab.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday horraantii sannadkaan heshiis toban sano ah oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaas oo ay dowladda Turkidu ku ilaalineyso badda Soomaaliya kuna dhiseyso ciidan dhanka badda ah oo awood u leh in ay ilaaliyaan xeebaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here