Thursday, August 21, 2025

Wasaaradda Maaliyadda oo beenisay in $500 Milyan la lumiyay

Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa si adag u beeniyay eedeymo uu jeediyay Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo sheegay in ku dhowaad nus bilyan doolar oo deeq lacageed ah dib loogu celiyay deeq-bixiyeyaasha sababo la xiriira mashaariic fashilmay.

Wasiirka oo Khamiistii ka hadlay munaasabad ay qabatay Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku tilmaamay eedeymahaas kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Lacag Shan boqol oo milyan ah oo dalka dib uga nqotey ma jirto” ayuu yiri.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu carrabka ku adkeeyay in wasaaraddiisu ay si buuxda masuul uga tahay dhaqaalaha dibadda iyo mashaariicda horumarineed, isaga oo sheegay in hadallada Khayre ay yihiin “kuwa aan wax xaqiiqo ah ku dhisnayn.”

Sida uu sheegay Cige, Soomaaliya waxay hadda gacanta ku haysaa 24 mashruuc oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka oo qiimahoodu dhan yahay $2.7 bilyan iyo 22 mashruuc oo uu maalgeliyo Bangiga Horumarinta Afrika oo lagu bixinayo ku dhowaad $245 milyan, dhammaantoodna ay socdaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here