Tuesday, March 11, 2025

Muxuu Wasiir Roobow ku macneeyey sababta AS wadan u xukumi karin.

By bakarosman

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mukhtaar Roobow, ayaa si adag uga jawaabay warar uu sheegay in  la faafiyey oo ah in Al-Shabaab ay la wareegayaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn si adag u sheegay in wararkaasi yihiin kuwa la buunbuuniyey, islamarkaana aan waxba ka jirin sheegashada ah in caasimadda Soomaaliya ay la mid noqon doonto Kabul ama ay ka jirto xaalad cabsi gelin ah.

“Muqdisho Kabul ma aha, Dimishiqna ma aha, Axmedkinana Xamdd Shracaara maaha, sidaas ayaan u sheegayaa,” ayuu yiri Wasiir Roobow.

Wuxuu uu intaasku daray in cid aan ogoleen in ay dadka la maacaamisho aysan wadan xukumi Karin

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in aysan jirin ciidan cusub oo Al-Shabaab ay heleen ama ay ku xoogeysanayaan, wuxuuna xusay in maleeshiyada kooxda laga soo ururiyey meelo kala duwan, balse aysan jirin wax dhisme awood ah oo ay sameeyeen.

Wuxuu sheegay in had iyo jeer bisha Ramadaan ay Al-Shabaab isku dayaan inay muujiyaan dhaqdhaqaaqyo cabsi gelin ah, balse aysan jirin wax cusub oo la arki karo.

“ma jiro wax awood ah oo usoo kordhaya. Waxa caadi ahaan jirtay in Ramadaanka markay timaado ay isku dayaan inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo cabsi gelin ah, balse intaa wax ka badan oo meesha kusoo kordhay haba yaraatee ma jiraan,” ayuu yiri Wasiir Roobow.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya, iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda oo isku dhinac ah uu sare u kacay bilihii la soo dhaafay.iyadoo  Al-Shabaab ay weeraro ka fulisay deeganno ay dowladda kala wareegtay labo sano ka hor, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, oo daris la ah gobolka Banaadir.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here