Saturday, July 27, 2024

Wasiirki hore ee dalxiiska Kenya oo loo xiray arrimo musuqmaasuq

Nairobi (Dawan)- Saraakiisha Guddiga Anshaxa iyo la Dagaallanka musuqmaasuqa ee Kenya ayaa xabsiga u taxaabay afar qof oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Dalxiiska, Najib Balala.

Balala oo la soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa lala xiray xoghayihii hore ee Wasaaradda Dalxiiska, Leah Gwiyo ,Joseph Odero oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda talabixinta arrimaha dhismooyinka ee West Consult Engineers iyo Flora Ngina, Maareeyihii hore ee sanduuqa dalxiiska.


Afarta qof ayaa ku eedeysan xatooyo dhanka qandaraaska ah iyo in si aan habboonayn loo bixiyay 8.5 bilyan oo shilin taas oo la xiriirta dhisidda Machadka lagu barto arrimaha dalxiiska ee Ronald Ngala Utalii College.

Af-hayeenka Guddiga Anshaxa, Eric Ngumbi ayaa Warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha la geyn doono Maxkamadda qaabilsan dhageysiga kiisaska musuqmaasuqa ee deegaanka Malindi ee Ismaamulka Kilifi.

Waxaa sidoo kale dacwado wajahaya saraakiil ka tirsan waaxyaha maaliyadda iyo soo iibsashada agabka ee Wasaaradda Dalxiiska dalka.

Najib Balala iyo tuhmanayaasha kale ay wajaha ilaa 10 dacwadood oo ku saabsan musuqmaasuq iyo xatooyo dhaqaale oo laga lunsaday lacagaha dadweynaha.

Af-hayeenka Guddiga Anshaxa ayaa intaas ku daray in shakhsiyaadkaan la xiray ka dib markii uu baaritaannkooda ansixiyay Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka.

Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in marar badan xatooyo la sameeyay iyada oo qiimaha la ansixiyay ee Machadka dalxiiska dib loogu dhisayo oo ahaa 1.95 bilyan oo shilin laga dhigay 10.4 bilyan sida ku xusan qoraal ka soo baxay Golihii Wasiirrada ee uu ka tirsanaa Najib Balala.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here