Saturday, July 27, 2024

Weerar lagu qaaday saldhig Ku yaal Ismaamulka Mandheera

Mandheera (Dawan)- Dagaallamaayaal looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa subaxnimadii Jimcaha weerar ku qaaday Xerada ciidamada falcelinta degdegga ee Quick Response Unit (QRU) ee tulada Alungu ee ku taalla deegaanka Lafey ee Ismamulka Mandheera.

Sida ay Boliiska Kenya sheegeen kooxda weerarka so qaaday ayaa gaaraysay 20 meeyo qof iyaga oo weerarka ku bilaabay qaraxyo waaweyn, Baasuukayaal iyo qoryaha  kala ah PKM iyo AK47.
Boliiska ayaa intaas ku daray in weerarka laga soo qaaday meel 100km u jirta Saldhigga, iyada oo iska hor imaad socday muddo 15 daqiiqo uu dhax maray Ciidamadii ku sugnaa Saldhigga iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Boliisku ma sheegin wax khasaarae nafeed ah oo ka dhashay weerarka

Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli weerar ay soo qadeen habeenimadii Khamiista ururka Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Dhaasheeq ee deegaan Baarlamaaneedka Tarbaj ee Ismaamulka Wajeer, weerarkas oo lagu burburiyay  xarun isgaarsiineed oo ay la ahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

Ka dib weerarka,waxaa go’ay xiriirkii isgaarsiineed ee  deegaankaas, maadaama aysan jirin shabakad kale oo isgaarsiineed oo ka jirta deegaanka Dhaasheeq.

 Al-shabaab ayaa dhowr jeer u weerartay Saldhigyada Ciidaan ee ku yaal Gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya iyaga oo u geystay khasaaro kal duwan oo isagu jirta naf iyo maal.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah (ATMIS) ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kaalin weyn ka qaata dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here