Monday, March 17, 2025

Xabbad-joojin Degdeg ah oo Looga dhawaaaqay Bariga Congo !

soohoyde

Dar es Salaam, Tanzania – Hoggaamiyeyaasha Ururrada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Bulshada Horumarka Koonfurta Afrika (SADC) ayaa shir degdeg ah ku yeeshay magaalada Dar es Salaam, iyagoo ka arrinsaday xaaladda sii xumaaneysa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Shirka oo uu guddoominayay Madaxweyne William Ruto oo ka socda Kenya iyo Madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo ka socda Zimbabwe ayaa diiradda saaray sidii xal degdeg ah loogu heli lahaa dagaalka ka socda bariga DRC.

War-murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa loogu baaqay  xabbad-joojin degdeg ah iyo in dhammaan dhinacyada dagaallamaya ay joojiyaan dagaalka. Waxa sidoo kale la faray taliyeyaasha difaaca EAC iyo SADC inay kulan degdeg ah yeeshaan shan maalmood gudahood si ay u qorsheeyaan amniga Goma iyo furitaanka jidadka muhiimka ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka lagu go’aamiyay waxaa ka mid ah:

– Gaarsiinta gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah, oo ay ku jiraan dawo, cunto, iyo

daadgureynta dadka dhaawacmay.

Dejinta qorshe amni oo lagu sugo magaalada Goma iyo deegaanada ku xeeran.

– Dib u furista jidadka istaraatiijiga ah ee isku xira Goma iyo magaalooyinka muhiimka ah iyo sidoo kale dib u howlgelinta maraakiibta ku safra Harada Kivu.

– Dib u furista garoonka diyaaradaha ee Goma si loo fududeeyo gaarsiinta gargaarka iyo socdaalka.

– Xaqiijinta badqabka safaaradaha iyo xarumaha diblomaasiyadda ee Kinshasa.

Madaxda gobolka waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimada wadahadal siyaasadeed, iyagoo taageeray isku-darka dadaallada nabadeed ee Luanda-Nairobi. Wasiirrada arrimaha dibadda ee labada urur ayaa la faray inay kulan yeeshaan 30 maalmood gudahood si ay u qiimeeyaan sida ay u hirgelayaan go’aannada shirka.

Shirka ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan weerarada ay kooxda M23 ka geysanayso bariga DRC, taasoo ay la wareegtay goobo muhiim ah oo ku dhow magaalada Goma. Colaadda sii daba-dheeraatay ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 3,000 oo qof iyo barakaca in ka badan 400,000 oo qof tan iyo bishii Janaayo 2025.

Hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa ku baaqay in la dardargeliyo dadaallada nabadeed si loo joojiyo dhiigga daadanaya loona xasiliyo DRC.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here