Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo qamadi 25,000 oo tan ah kala wareegtay Ruushka

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 25,000 oo tan oo qamadi ah ka guddoontay dowladda Ruushka, taas oo ka dhigan gargaar cunto oo loogu tala galay in wax looga qabto cunno yarida ka dhalatay saameynta dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Gargaarkaan waxaa lagu wareejiyay Maareynta Musiibooyinka Qaranka, iyada oo loo qeybin doono dadka ay saameeyeen fatahaadihii dalka ku dhiftay.

Agaasimaha guud ee ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in xilligaan lagu soo beegay gargaarka maadaama ay dalka ka jiraan dhibaatooyin ka dhashay fatahaadaha.

“Gargaarkaan wuxuu noo noqon doonaa mid muhiim ah marka la eego daadadka ay saameeyeen fatahaadaha oo ka badan 2 milyan oo qof,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamuud.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay dowladda Ruushka oo gargaarkaan soo gaarsiisay dadka Soomaaliyeed xilligaan oo ay jirto baahi badan.

” Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda Ruushka in ay Soomaaliya ku taageertay 25,000 oo tan oo qamadi ah,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wuxuu intaas ku daray in Gargaarkaan muhiimka ah uu ku soo beegmay xilli adag oo dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin roobabkii mahiigaanka ah iyo fatahaadda webiyada, kuwaas oo burburiyay waddooyin iyo buundooyin ku yaal gobollada kala duwan ee dalka.

Danjiraha Russia u fadhiya Jabuuti, isla markaana Soomaalia ka wakiil ah, Mikhail Golovanov ayaa sheegay in deeqdaan ay tahay qeybtii koowaad oo ay dowladda Ruushku siiyo Soomaaliya, isaga oo intaas raaciyay in qeybta labaad oo 25,000 oo tan oo qamadi ah la filayo in ay Soomaaliya soo gaarto dabayaaqada bishaan December.

“Aad bay sharaf ii tahay in aan Muqdisho goobjoog ka ahaado wareejinta gargaarka bani’aadanimo ee dowladda Ruushka ay ku wareejisanayso dowladda federaalka Soomaaliya. Waa qeybtii ugu horreysay oo Soomaaliya la keeno, 25,000 oo tan oo qamadi ah ,” ayuu yiri danjire Mikhail Golovanov.

Wasiirka Beeraha ee Ruushka, Dmitry Patrushev ayaa billawgii bishaan November shaaca ka qaaday in ay kasoo baxayaan dalkiisa labadii markab ee ugu horeeyay oo sida qamadi, kuwaas oo ku wajahan Soomaaliya iyo Burkina Faso.

Patrushev ayaa yiri, sida laga soo xigtay wargayska Russia Today news “Labadii markab ee ugu horeeyay oo midkiiba sido 25,000 oo tan, waxay ka tageen dekedaha Ruushka, iyagoo ku sii jeeda Soomaaliya iyo Burkina Faso.”

Wasiirka Ruushka ayaa tilmaamay inuu rajaynayo in labada markab ay gaaran labada waddan uu xusay dhamaadka bisha November iyo bilowga bisha December ee sanadkaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in maraakiib sida qamadi ay sidoo kale u diri doonaan wadamo kale oo Afrika ka tirsan, sida Zimbabwe, Mali, iyo Eritrea ka hor dhamaadka sanadkaan.

Patrushev ayaa xaqiijiyey in dowladda Ruushku qorsheyneyso in ay u dirto Afrika ilaa 200,000 oo tan oo qamadi ah, si ay wax u qabato cunno yarida ka jirta qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here