Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo Maxaas u gaaray dardar gelinta dagaalka Al-shabaab

Hiiraan (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isaga oo daddka deegaanka iyo ciidamka kala hadli doona dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

War qoraal ah oo mar dhaw kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka reer Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh”

Qoraalka ayaa intaas raaciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh u joogo gobolada dhexe ee dalka sidii looga sifeyn lahaa xoogaga Al-shabaab deeganda weli gacantooda ku jira

Madaxtooadu ma sheegin muddada uu madaxweyne Xasan sii joogi doono Maxaas balse waxaa la filaya inuu la kulmo mas’uuliyiinta gobolka, ciidamada, oday dhaqameedka iyo qeybaha kale ee bulshada si loo sii xoojiyo dagaalka dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here