Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Xasan oo la kulmay wakiilka QM u qaabilsan howlgallada

Dhuusamareeb (Dawan)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda howlgallada Atul Khare oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladdu ugu jirto inay dalka ka xoreyso kooxda Al-shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay  mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobay ka fuliso Soomaaliya iyo sidii loo sii joogteyn lahaa kadib bixitaanka ATMIS.

Madaxweynaha ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in la dardargeliyo taageeridda Soomaaliya gaar ahaan ciidanka si guulo looga gaaro dagaalka dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab.

Atul Khare, ayaa ka mahadceliiyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuna ballanq aaday in la dardargelin doono mashaariicda Qaramada Midoobay ka fuliso Soomaaliya si dowladdu u gaarto isku filnaansho .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa magaalada Dhuusamreeb ee maamul goboleedka Galmudug ku sugnaa isbuucyadii lasoo dhaafay, waxaana la qorsheynaya inuu u wareego degmada  Maxaas ee gobolka Hiiraan  si loo sii ballaariyo dagaalka ka dhan ah  xooggaga Al-shabaab ee maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here