Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo saxiixay sharci burinya heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay garbihiisa taaganyihiin labada Guddoomiye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa qalinka ku duugay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka Dowladda Itoobiya iyo Somaliland

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia, saxiixa kadib ayaa lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka, ayaa la raaciyay qoraalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadka iyo jiritaanka Soomaaliya.

Muxuu yahay Xeerka uu saxiixay Madaxweyne Xasan?

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 2-dii January meel mariyay Xeer lagu burinayo heshiiskii is-afgradka Badda ee Magaalada Addis Ababa ku dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Xeerkan ayaa ka kooban todobo qodob balse waxaa ugu muhiimsan inuu waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray Magaaladda Adis Ababa, maadaama uu ka  hor  imaanayo  Dastuurka  Dalka, Shuruucada Caalamiga ah, Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale.

Xeerka waxa uu sidoo kale leeyahy, Heshiis kasta oo Caalami ah waxaa Soomaaliya u geli kara oo keliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo Hay’adda Sharci dejinta uuna Madaxweynaha ku meelmariyo xeer madaxweyne si waafaqsan Qodobka 90(q) ee Dastuurka KMG ah laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodob kale ayaa isaguna dhigaya , Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kale oo shisheeye oo ka hor imanaya Dastuurka Federaalka waa waxba kamu jiraan aan sharciyad lahayn.

Maxay ku heshiiyeen Itoobiya iyo Somaliland?

Xogta laga helayo is-afgaradka heshiiska ayaa tilmaameysa in Itoobiya ay heli doonta Deked ay baadi goob ugu jirtay muddo dheer kuna sigatay in ay dagaal u gasho iyo saldhig ciidankeeda Baddu ay isticmaalaan halka Somaliland ay heleyso aqoonsi ay uga baxeyso go’doomin ay ku jirtay in ka badan soddon sano iyada oo laga yaabo in ay saami ka hesho Shirkadda Ethiopian Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Falcelinta Caalamka

Soomaaliya waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD, inay u istaagaan sidii ay u difaaci lahayeen qaranimadeeda, isla markaana ay Itoobiya ugu khasbi lahaayeen inay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah.

Beesha Caalamka ayaa kasoo jawaabtay baaqa Soomaaliya, iyada oo Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururuka Iskaashiga Islaamka iyo qaar ka mid ah Dowladaha sida gaarka saaxib ula ah Soomaaliya ay dhammaantood caddeyeen mowqifka ay ka taagnyihiin heshiiska, waxeyna ku baaqeen in la ilaaliyo madax bannaanida, midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah si loo xaqiijiyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here