Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh: Waa lala xisaabtamaya kuwa ku tagri falay awooddii la siiyay

Dhuusamareeb (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad lasoo duubay u jeediyay shacabka ayaa sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin ku tagri falay awoodii la siiyay, iyaga oo sameeyay khiyaano ciidan  iyo wax is daba marin.

“Waxaa la jooga xilligii kuwa awoodda ciidan la  siiyay ku tagri falay ,khiyaanada sameeyay … waagii lala xiisaatbami lahaa billaawgeedi waa la joogaa, waana la isla xisaabtamayaa, dowladnimadu waa isla xisaabtan”.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in dagaalka lagula jiro xoogagga Al-shabaab sii socon doono inta laga xoreynaayo dalka oo idil, isaga oo caddeeyay in khasaaro dhimashao iyo dhaawac ba leh ka dhalanaayo haddii dagaal la galo.

Ama hal meel ha lagu guul darreysto, ama mid tashwiish wada wax ka sheego e, dagaalku waa soconayaa. Ma istaagaayo. Meelaha aan joogno kasoo noqon meyno. Hore ayaan u soconeynaa, guusha kama dambeysta ah ee aan raadinayno ayaan gaareynaa”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku faanay in ciidamada dowladdu maanta ka awood badanyihiin xoogaga Al-shabaab ayna ka tira badan yihiin sidaas darteedna ay ka guuleysan doonaan Al-shabaab.

“Intii hore waa ka waaya aragasanahay, waa ka tira badanahay, waa ka qalab badanahay, waana ka dhiirrananahy”

Madaxweynaha ayaa farriin gaar ah u diray  ciidamada, isaga oo  kula dardaarmay inaysan ka niyad jebin haddii khasaaro soo gaaro, wuxuuna dib u xusuusiyay guulaha ay hore usoo gaareen iyo goobaha ay ka xoreeyeen xoogaga Al-shabaab.

Bal dib u eega  maalintii dagaalka laga soo billabay tuulada Bacda , Xaashileey meelaha ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ilaa maanta meesha la maraayo ee Cows-weyne ,  Ceel-buur iyo Wabxo inta ay isu jiraan oo dhul ahaan, bal qiyaasa.”

Madaxweyne Xasan ayaa beeniyay tirada ay Al-shabaab sheegtay inay ku dilaeen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay  deegaanka Cows-weyne ee gobolka Galgaduud, isaga oo ku eedeeyay Al-shabaab inay dhaawacoodi dhameystireen.

Waxaa so baxday in 190 u sameeyeen  xaawaalo wadareed  dadkodi dhintay ku duugeen, waxaa intaas dheer dhaawacoodi in ay iyagu dhameystireen

Madaxweynaha ayaa sidoo kale farrin u diray kuwa tashwiishka gelinaaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isaga oo ku tilmaamay in ay  Al-shaabab la mid yihiin

“ Kuwa ka shaqeynaya inay ciidanka tashwiish geliyaan, ogaada waa Shabaab, noogama sukeeyaan kan shabaabka ah ee qoriga iyo qaraxa wata”.

Madaxweynah aaya ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaag u muujiyaan ciidamada qaranka ee  u dhimanaaya ilaalinta sharafta  dalka iyo dadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here