Saturday, July 27, 2024

Madaxweynaha Jabuuti oo soo bandhigay tusmo howleedka xukuumadda

jabuuti (Dawan)-Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo   furay kalfadhiga xukuuumadda kadib fasaxii xagaaaga ayaa soo bandhigay qorsha howleedka horyaala xukuumadda bilaha ka dhiman sannadka.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in xukuumadda laga sugaayo inay dadaal badan ku bixiso  wax ka qabashada horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo arrimaha  haweenka iyo dhallinyarada, wuxuuna ku dhiiri geliyaya golaha wasiirada in ay howl galaan sidii loo fududeyn lahaa adeegyada loo qabanaayo muwaadiniinta.

intii uu kulanka socday ayaa waxaa laga dooday arrima badan oo ay ku jiraan horumarinta Teknoolijiyadda,  isgaarsiinta,  caafimaadka, wax u qabshada dadka danta yar iyo  isbedellada ka jira  gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyay  guulaha ay soo hooyeen orodyahanada reer Jabuuti ee ka qeyb galay bilihii lasoo dhaafay tartamada gobolka iyo kuwa caalamiga kuwaas oo kusoo guuleystay billadaha kala duwan,  wuxuuna kula sii dardaarmay mas’uuliyiinta ciyaaraha fudud inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo soo saaridda dhallinyaro ku metesha Jabuuti fagaaraha ciyaaraha.

Madaxweyne Geelle ayaa xukuumadda uga war bixiyay ka qeyb galkiisi shirkii dowldaha ku bahoobay ururuka BRICS ee ka dahacay dalka Koonfur Afrika, isaga oo sheegay inuu madaxdii uu la kulmay kala hadlay sidii looga shaqeyn lahaa wax wada qabsi iyo isweydaarsiga khibradaha.

Geelle ayaa sheegay in madasha BRICS ay tusaale fiican u tahay dunida berri ee ah in si isku mid ah loo wada faa’iideysto sidoo kalena ay dalalka Koonfurtu helaan duni ay iska dhax arkaan oo ay ku leeyihiin maqaam fiican.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here