Saturday, July 27, 2024

Xildhibaanada Gaarisa oo ku baaqay in la joojiyo qorshaha cusub ee qaxootiga

Gaarisa (Dawan)- Xildhibaanada laga soo doortay ismaamulka Gaarisa ayaa dalbaday in la joojiyo qorshaha cusub ee ku saabsan qaxootiga ee loogu magac daray Shirika plan

Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Gaarisa ayaa sheegay in qorshaha Shirika ee ay garwadeenka ka yihiin waaxda arrimaha qaxootiga iyo UNHCR uu yahay mid aan haba yaraatee wax xiriir ah lagala soo sameynin madaxda iyo bulshada deegaanka.

Xildhibaanada aya caddeeyay in tillabadaas ay xadgudub ku tahay dastuurka dalka Kenya, waxeyna tilmaameen in qaabka loo maray barnaamijkaan ay ka muuqato maamul xumo iyo takoor.

Xildhibaanka laga soo doorto Dhadhaab Faarax Macallin ayaa ku eedeeyay xoghayaha socdaalka Julius Bitok oo madax ka ah xoghaynta arrimaha qaxootiga inuu ku kacay nin jeclaysi maadmaa shan ka mid ah lixdii xubnood ee dhawaan la qoray ee kuxigeenada arrimaha qaxootiga ay ka soo jeedaan beeshiisa.

Faarah uu wehliyo Xildhibaanka Faafi, Saalax Yacquub ayaa hadda dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan shaqaalaysiinta cusub inta laga sugayo warbixinta hanti dhowrka shaqaalaha madaxa bannaan ee Waaxda.

Xildhibaanku Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in inkasta oo ismaamulka Gaarisa uu martigeliyay qaxootiga in ka badan soddon sano, haddana uu ismamulka ka maqan yahay marka ay timaado qorshaha isdhexgalka ee dhanka shaqada.

Udgoon Siyaad oo ah wakiilka haweenka Gaarisa ayaa xustay in qorshaha Shirika laga doonayo in uu kor u qaado kobaca dhaqaalaha Gobolka Waqooyi iyada oo loo marayo hab-nololeed kale oo waara iyo kordhinta helitaanka dhaqaale.

Qorshaha dowladda ee ah in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma laga sameeyo degmooyin isku dhafan ayaa loo qoondeeyay in ka badan 28 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Qorshaha kala guurka ee shanta sano ah, oo loogu magacdaray Shirika Plan, ayaa ujeedkiisu yahay in xeryaha qaxootiga loo beddelo deegaamayn isku dhafan oo ay leeyihiin qaxootiga iyo bulshooyinka martida loo yahay, iyada oo ujeedadu tahay in qaxootiga laga dhigo kuwo iyaga isku tiirsan oo wax ku soo kordhiya dhaqaalaha dalka .

Dalka Kenya aya ah dalka shanaad ee martigeliya qaxootiga ugu badan Afrika iyo dalka seddex iyo tobnaad ee adduunka iyada oo in ka badan 577,000 oo qaxooti iyo dad magangelyo-doon ah la diiwaangeliyay laga soo billaabo dhammaadka Febraayo 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here