Sunday, August 17, 2025
Array

Xildhibaanada Waqooyi Bari oo la Dhaariyay.

Xildhibaanada cusub ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo dhaariyay, kaddib markii guddiga hubinta iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee xildhibaanada. Tallaabadan ayaa ka dhigan dhismaha buuxa ee golaha sharci-dejinta maamulka, oo muddo xileedkiisu noqon doono 2025–2030.

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xubnaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari ayaa 17-kii Agoosto 2025 ku dhawaaqay in dhammaan habraacyada lagama maarmaanka ah lagu fuliyay si waafaqsan shuruucda iyo qodobada dastuuriga ah ee dowladda federaalka. Guddigu wuxuu sameeyay baaritaan, hubin iyo qiimeyn lagu xaqiijinayay da’da, aqoonta iyo waayo-aragnimada musharixiinta, iyadoo sidoo kale la xalliyay khilaafkii jiray.

Guddigu wuxuu ku dhawaaqay in xubnahan la ansixiyay ay yihiin xildhibaanada rasmiga ah ee matalaya shacabka Waqooyi Bari, kuwaas oo xilkan hayn doona illaa sanadka 2030.

Baarlamaanka cusub waxaa ka kooban 83 xildhibaan oo laga soo doortay gobollada Sanaag, Sool iyo magaalada Togdheer. Sida lagu caddeeyay liiska rasmiga ah.

Dhismaha baarlamaanka Waqooyi Bari wuxuu daba socdaa aqoonsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maamulka, taas oo ka dhigtay dowlad-goboleedkii lixaad ee dalka.

Kaddib dhaarinta, wejiga xiga ee habraaca siyaasadeed waa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo dhismaha dowlad-goboleedka rasmiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here