Muqdisho, Soomaaliya – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 16-aad ee kalfadhiga lixaad, waxaana loo soo gudbiyay soo jeedin ku saabsan in dhaqaale lagu taageero ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Soo jeedintan ayaa waxaa soo gudbiyay 5 xildhibaan oo ku baaqay in xildhibaanada baarlamaanka ay mushaarkooda ka jaraan $500 bishiiba, muddo labo bilood ah, si lacagtaas loogu deeqo ciidanka difaaca dalka.
“Codsi ahaan waxaan soo jeedinay in labada bil ee soo socda, bishiiba $500 oo mushaarkeena ka mid ah, aan ugu deeqno naftood hurayaasha ciidamada xoogga dalka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Haaruun.
Si kastaba ha ahaatee, soo jeedintan ayaa waxaa si adag uga horyimid qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka, kuwaas oo dalbaday in la sameeyo guddi gaar ah oo qaabilsan hanaanka taakuleynta ciidanka, isla markaana qof walba laga qaado intii uu awoodo.
Xildhibaanada qaar ayaa tilmaamay in lacago hore oo ay qaabab taakuleyn ah ku bixiyeen aan la marin jidkii saxda ahaa, islamarkaana aysan ogolaan doonin in mushaarkooda laga jaro lacag.
“Maaalin walba lacag ayaa laga jaraa xildhibaaanada , meel ay aado lama yaqaaan, Meesha ey aado ayaan rabnaa,ee ciidan in wax loo jaro cid diidan malaha ,mushaarkeyga cid go’aan ka gaari karta malaha, anigaa go’aan ka gaari kara ,walaa gudoomiyahaa ayaan go’aan ka gaari Karin” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isaga oo sheegay in arrintaas loo saari doono guddi gaar ah oo ka shaqeeya hanaanka taageerada ciidamada.
“Guddi ayaan saaraynaa, gudigaas ayaa noosoo diyaarinaya barnaamij, gudigaas xildhibaanada ayay la kulmayaan, inta ogol ayaa lacagtaas bixineysa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur.
Doodda ayaa imaaneysa iyadoo baryihii lasoo dhaafay ay socotay soo jeedinno ah in ciidamada Macawisleyda ay u baahanyihiin taageero gaar ah, maadaama aysan dowladda u diiwaangashaneyn, islamarkaana aysan mushaar cad qaadan, kuwaas oo u baahanyihiin taageero dhinacyo badan ah. Qaar ka mid ah gobollada dalka, sida Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, ayaa haatan ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya.