Saturday, July 27, 2024

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar: 50 sano oo diblomaasiyad rasmi ah

Muqdisho (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa u dabaal degaya sannad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay marki ay labada Dowladood yeesheen xiriir diblomaasi oo rasmi ah, taariikhdu marka ay ku beegneed 3-February-1974-tii.

Xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac ayaa isagu jira dhinacyo kala duwan , sida arrimaha siyaasadda, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, gargaarka bini’aadantinimo iyo horumarinta maalgashiga.

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar oo ah mid taariikhi ah, wuxuu ku saleysnaa tan iyo markii uu billaawday tiirar aasaasi ah oo ka tarjumaya mabda’a iskaashiga dhinacyada kala duwan, xiriir walaaltinimo oo xooggan, iyo isku xirka iyo xoojinta dhaqanka ay wadaagaan labada shacab.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Qatar, xiriirka ka dhaxeeya labada Dowladood ayaa xoogeystay iyada ay sabab u ahaayen laba arrin oo kala ah;

1- Taageerada aan kala joogsiga lahayn ee ay Dowladda Qatar la garab taagneed Soomaaliya, iyada oo ka kaalmeysa dhinacayda amniga, xasiloonida, kobaca dhaqaalaha, barnaamijka deyn cafinta, taageeridda mashaariicda horumarinta, gargaarka bini aadantinimo iyo dayactirka xarumaha Dowladda.

2- Iskaashiga xoogan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar marka la joogo masraxyada caalamiga ah ee lagu jaan gooyo siyaasadaha caalamiga ah iyada oo la eegayo danaha labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.

Safaaradda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay xiriirka diblomaasi ee 50 jirsaday in uu muujinayo sida ay uga go’an tahay labada dal kor u qaadista xiriirkooda iyo dhisidda iskaashi ku saleysan dano guud oo ay ka wada faa’iideystaan labada shacab ee walaalaha ah

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadinta dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhax gelay.

Dhammaadka bishii hore ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, kuwaas oo tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka uu uga soo dhamaaday Qatar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here