Saturday, July 27, 2024

Xisbiga Erdogan oo guul darro kala kulmay doorashada dowladaha hoose

Ankara (Dawan)- Xisbiga mucaaradka Turkiga ayaa guul weyn ka gaaray doorashooyinkii dowladaha hoose, isaga oo ku guuleystay magaalooyinka waaweyn ee Istanbul iyo Ankara.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Xisbiga madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu lumiyay kalsoonidii shacabka ee magaalooyinka Istanbul iyo Ankara.

Ekrem İmamoğlu, oo markii ugu horeysay ku guuleystay duqa magaalada Istanbul 2019, ayaa difaacday booskiisa, isaga oo mar kale hoggaamin doona magaalada.

Sidoo kale waa markii ugu horeysay tan iyo markii Erdogan uu xukunka qabtay 21 sano ka hor ee xisbigiisa looga adkaaday doorashada guud ee dalka.

Waxaa xusid mudan in xisbiga Jamhuurigu uu sidoo kale guulo waaweyn ka gaaray magaalooyin kale ee Turkiga, sida Izmir, Bursa, Adana, iyo magaalada dalxiiska ee ee Antalya.

Erdogan, oo 70 jir ah, ayaa qiray in doorashadu aysan u dhicin sidii uu filaayay, balse waxa uu taageerayaashiisa Ankara u sheegay in aysan ahayn dhamaad balse ay ka dhigantahay isbedel.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here