Saturday, July 27, 2024

Madaxweynaha Jabuuti oo cambaareeyay af-gembiga Gabon

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cambaareeyay af-gembiga ka dhacay dalka Gabon ee ciidamadu ku laaleen doorashaddii, xilkana kula wareegeen.

Madaxweynah Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD ayaa ugu baaqay ciidamada Gabon inay soo celiyaan ha’yadihii dastuuriga ahaa, kana fogaadaan tillaabooyinka carqalad u keeni kara amniga dalka iyo qaaradda Afrika.

Saraakiisha sare ee ciidamada dalka Gabon ayaa sheegay Arbacadii inay la wareegeen talada dalka, kadib markii guddiga doorashadu ku dhawaaqay in madaxweyne Cali Bongo ku guuleystay  madaxtinimada dalkaas markii saddexaad.

Cali Bongo ayaa helay 64.27% codadkii la dhiibtay, halka musharraxa Albert Ondo Ossa oo ah ninka sida weyn ula loolamay Bongo uu ku soo baxay kaalinta labaad isagoo helay 30.77%, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Gabon waa waddankii ugu dambeeyay ee Afrikaan ah ee af-gembi ka dhaco,  waana dalkii saddexaad ee 3 sano gudahood la af-gembiyo madaxdii ka talineysay ka dib Niger iyo Mali.

Beesha caalamka ayaa walaac badan ka muujisay isbeddeladda ka dhacaaya qaaradda Afrika, waxeyna ugu baaqeen ciidamada inay talada ku celiyaan rayidka, taas oo u muuqata inay waqti dheer qaadaneyso.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here