Saturday, July 27, 2024

Yaa noqon doona madaxweynaha xiga ee Puntland?

Garoowe (Dawan)- 66-da xildhibaan ee Baarlamaanka Maamul Goboleedkya Puntland ayaa maanta looga fadhiya in ay doortaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa hoggaamin doono Maamulkaas shanta sano ee soo socota.

Tira isla eg oo min 11 musharrax ayaa u taagan labada xil, waxaana ku jira musharrixiin hore uga soo qabtay xilal kala duwan gudaha Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa horay u bixin jiray lacag dhan 20,000 oo dollarka Mareykanka ah, balse markan waxay bixiyeen 30,000 oo dollar, halka musharraxiinta Madaxweyne ku xigeennada ay bixiyeen 20,000 oo dollar.

Musharrixiinta waxaa ka mid ah Madaxweynaha talada haya ee Siciid Cabdullaahi Deni, oo loo saadaalinayo inuu mar kale xilka kusoo laaban karo. Deni waxa uu leeyahay khibrad dhanka doorashooyinka heer Maamul Gobol iyo heer Federaal, isaga oo lagu xasuusto codadkii badnaa ee uu helay tartankii ugu dambeeyay ee Madaxtinimada Soomaaliya sannadkii 2022.

C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo hore usoo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka mid ah musharraxiinta, kaas oo doonaya inuu mar labaad hoggaamiyo Puntland.

Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) iyo Axmed Ciise Cawad ayaa iyaguna tartamya.
Haruuse waxaa loo saadaalinya inuu yahay musharraxa la tartami kara Deni inkasta oo laga yaabo in wax kasta is beddelaan.

Safiirkii Soomaaliya u joogay Turkiga, Jaamac Ceydiid Maxamed oo xilkiisi iska casilay ayaa u taagan Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa Khamiisti u doortay Cabadirisaaq Axmed Siciid inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Bilihi lasoo dhaafay waxaa Puntland ka taagnaa khilaaf xoogan uu ku saabsan sida loo qabanayo doorahada iyada oo la isku hayay in la aado doorashao qof iyo cod ah iyo in lagu galo doorashada hannaanakii lagu geli jiray ee beeluhu soo xuli jireen 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka.

kadib markii khilaafku gaaray meel sare, waxaa soo fara geliyay Isamada kasoo jeeda Puntland iyo Beesha Caalamka, taas oo keentay in Siciid Deni ka laabtay go’aankiisi ahaa inuu qabto doorasho toos ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here