Saturday, July 27, 2024

4-ta mas’uul ee ku dhintay shilka diyaaradda ee Madaxweynaha Iran

Tehran (Dawan)- Diyaaradda Helicopter-ka ee uu saarnaa Madaxweynaha Iran ee la sheegay inay ku burburtay buuraha ku yaal waqooyi-galbeed ee caasimadda Iran, waxaa saarnaa mas’uuliyiin sare oo xilal muhiim ah ka haya dowladda Iran.

Mas’uuliyiintan waxaa ugu horeeya Madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi oo xilka qabtay 2021. Waxa uu horay xubin uga soo noqday Golaha Khubarada Hoggaanka 2007, ka dibna waxa uu noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Iran 2014, ka dibna madaxa garsoorka 2019.

Sidoo kale waxaa diyaaradda Helicopter-ka la socday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Xuseen Amiir , oo taariikh dheer ku leh diblomaasiyadda Iran, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddam sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda u qaabilsanaa Arrimaha Khaliijka iyo Bariga Dhexe sannadkii 2010-kii.

Xuseen Amiir ayaa sidoo kale sannadkii 2011-kii soo qabtay xilka wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Carabta iyo Afrika, ka hor inta aan loo magacaabin xilka wasaaradda 2021-kii, markii la doortay madaxweyne Ibraahim Raisi.

Mas’uulka saddexaad ee diyaaradda helicopter-ka saarnaa ayaa ahaa Maxammad Cali Al Haashim oo imaam ka ah magaalada Tabriz, ahna wakiilka hogaamiyaha ruuxiga Iran ee gobolka Azerbaijan-ta-Bari.

Maalek Rahmati, oo ahaa guddoomiyaha gobolka Azerbaijan-ta-Bari ayaa ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee la saarna diyaaradda burburtay.

Madaxweynaha ku xigeenka dalka Iran, Maxamed Mukhbir ayaa lagu waaa inuu sii noqdo sii haya jagada madaxweynaha ee dalkaas inta laga qabanayo doorashada madaxtinimo muddo 50 maalin ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here