Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geerida madaxweynaha Iran

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Iran, kaddib shilkii diyaaradeed ee galaaftay nolosha Madaxweyne Ibraahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Xuseen Amiir, iyo mas’uuliyin kale oo diyaaradda la saarnaa madaxweynaha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri; “Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuseen Amiir iyo mas’uuliyiintii kale ee ku wehliyay shilkii naxdinta lahaa ee diyaaradda helicopter-ka”

Inkasta oo uusan xiriir toos ah ka dhaxeeynin hadda Soomaaliya iyo Iran, hadana dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay dowadaha caalamka ee tacsida la wadaagay dowlada Iran kadib geerida madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale.

Diyaaradda Helicopter-ka ee uu saarnaa Madaxweynaha Iran ayaa ku burburtay buuraha ku yaal waqooyi-galbeed ee caasimadda Iran, waxaa saarnaa mas’uuliyiin sare oo xilal muhiim ah ka hayay dowladda Iran, sida wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxweynaha ku xigeenka dalka Iran, Maxamed Mukhbir ayaa lagu wadaa inuu sii noqdo sii haya jagada madaxweynaha ee dalkaas inta laga qabanayo doorashada madaxtinimo muddo 50 maalin ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here