Saturday, July 27, 2024

5 arday oo ku geeriyootay doon kula qallibantay galbeedka Kenya

Nairobi (Dawan)- Sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga ee Kenya, ilaa shan arday ayaa ku geeriyooday Galbeedka dalkaas kadib markii ay doon ay saarnaayen kula qallibantay goob loo tago dalxiis.

Booliisku waxay sheegeen in ardaydaan ay booqanayeen Beerta Amazement Park iyaga oo ay la socdeen arday kale iyo Macalimiin wax ka dhiga dugsiga Hoose/ Dhexe ee Arap Moi ee magaalada Eldoret, kadibna waxa ay si gooni ah u raaceen doon taas oo kula qallibantay haro gacan sameys ah .

Boolisku waxa ay inatas ku dareen in ardaydaan ay ka mid ahaayeen ardayada sannadkaan u fadhiisaneysa imtixaanaadka shahaadiga ah oo maanta oo Isniin ah ka billaawday guud ahaan dalka Kenya.

Arday kale oo lagu waday inuu galo imtixaanka fasalka lixaad, ayaa ka badbaaday shilka, waxaana loola cararay isbitaal, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.

Waalidiin careysan ayaa gudaha u galay qaar ka mid ah iskuulada iyaga oo dalbanaya in ay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin caruurtooda ka dib markii uu soo gaaray warka ku saabsan in ay shil gashay doon ay saarnaayeen arday.

Wasiirka Waxbarashada ee dalka Kenya, Ezekiel Machogu ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid nasiib darro ah maadaama ay ku soo beegantay waqtiga imtixaanaadka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, ehellada iyo asxaabta ardayda geeriyootay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Prof. Kithure Kindiki  ayaa sheegay in warbixinnada horudhaca ah ay muujinayaan inay jirtay habacsanaan dhanka la tacaalidda falka dhacay iyo badqab la’aanta gaadiidka dadweynaha.

Wasiirku waxa uu ballan qaaday in sharciga la horgeyn doono ciddi ay ku caddaato in ay ardayda geysay goob halis ah.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here