Saturday, July 27, 2024

Xamsa oo uga mahadceliyey madaxda Ziraat Katilim xarunta ay ka furteen Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo shalay xaruntiisa cusub laga furau magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaruhu Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Xarunta cusub ee Bankiga Ziraat Katilim uu ka furatay Soomaaliya, ayaa noqonaysa bankigii ugu horreeyay ee caalami ah oo ka howlgala dalka muddo ka badan 50 sano.

Bankigan cusub ee dalka kusoo kordhay waxaa laga filayaa inuu ganacsatada siin doono adeegyo banki oo kala duwan, wuxuuna la macaamili doona shirkadaha waaweyn ee ganacsiga, maalgashiga iyo hay’adaha horumarinta.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Jabriil Abdirashiid Xaaji ayaa sheegay in Bankigaan uu ka qeyb qaadan doono fududeynta xariirka ganacsi ee ka dhexeeya labada shacab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here