Friday, October 18, 2024

Madaxweyne Xasan oo kulan dadweyne uga qeyb gelaaya Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb gelaaya kulan dadweyne kaas oo shacabka maamul goboleedka Galmudug ku weydiin doonaan su’aalaha ay qabaan guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaana dagaalka dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa maalintii kow iyo tobanaad ku sugan maamul goboleedka Galmudug, wuxuuna kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo kala hadlay xoreynta deegaanada ku haray gacan ku heynta Al-shabaab.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Galmudug Research and Dialogue Center ayaa madaxweynaha lagu weydiin doona su’aalo ku saabsan wejiga labaad ee dagaalka dowladdu billaabi doonto dhawaan iyo qorshaha ay dowladdu ugu tala gashay deegaanada laga xoreeynaayo Al-shabaab.

Warbixin kooban oo lagu soo qoray bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb gelayaa kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed ay su’aalo ku weydiinayaan”.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xillli madaxweyne Xasan Sheekh ku suganyahay magaalada Dhuusamareeb muddo ku dhaw laba isbuuc, si uu dardargeliyo dagaalka wejiga labaad, iyada oo su’aalo badan la iska weydiinaayo sida ay dowladdu u dooneyso inay uga mira dhaliso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here