Sunday, September 29, 2024

Jabuuti oo beenisay wararka la isla dhexmarayo ee geerida Geelle

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti ayaa si adag u beenisay wararka la isla dhex marayey ee sheegaya geerida Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Maaliyada Ilyaas Muuse Dawaaleh ayaa ka jawaabay wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada, isaga oo yiri; “Waan ka xumahay nacaybka. Madaxweyne Geelle wuu fiican yahay, aad buuna u caafimaad qabaa”.

Wasiirku waxa uu qiray in Madaxweyne Geelle uu ka xanuunsaday jilibka ah balse waxa uu carrabka ku dhuftay in wararka sheegaya geeridiisa ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn kuwaas oo ka tarjumaya xumaan.

Wuxuu cambaareeyay dadka faafinaya wararka been abuurka ah, wuxuuna ku cel celiyay in Madaxweynuhu uu caafimaad qabo.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay la isla dhexmarayay warar sheegaya inay aad u xumaatay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taas oo keentay in loo qaado dalka dibaddiisa si loo soo daweeyo.

Xilli dambe oo galabta ah, waxaa warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti lagu yiri; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Axad ah dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar gaar ah oo uu maalmo ugu maqnaa dalka Faransiiska”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here