Saturday, July 27, 2024

Xamse oo sameeyay magacaabis kooban iyo Fiqi oo noqday wasiirka arrimaha dibadda

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay qaar ka mid ah wasiiradiisa, isaga oo soo buuxiyay wasaarado muhiim ah oo waayadii ugu dambeeyay bannaanaa, sida arrimaha dibadda iyo amniga.

Xubanaha cusub ayaa kala ah; Axmed Macallin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Cali Yuusuf Cali Xoosh oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda amniga gudaha.

Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha.

Maxamed Aadan Macallin Wasiirka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada.

Axmed Cumar Maxamed oo loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda bey’ada iyo cimilada.

Magacaabista Xamse waxaa ka maqan Wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha oo bannaan tan iyo markii ay geeriyootay Khadiija Maxamed Diiriye bishii December ee sannadkii tegay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here