Wednesday, November 20, 2024

Puntland.. Dood ka taagan saami qeybsiga mashaariicda horumarineed

Garoowe (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland ayaa shalay hortagay Golaha Wakiillada Puntland, isaga oo ka warbixiyay waxqabadka wasaaradda, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha horyaalla hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Puntland.

Kulanka, oo ka dhacay fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad, ayaa lagu lafa guray tirada mashaariicda ka socda gobollada Puntland, iyadoo Wasiirku uu shaaciyay in gobolka Nugaal uu ka socdo 82 mashruuc, halka gobolka Raas Casayr uu ka socdo 8 mashruuc oo kaliya.

Tiradaas oo ahayd mid aan sinnayn ayaa dhalisay dood adag oo ay xildhibaannada Golaha Wakiillada ka muujiyeen, iyagoo sheegay in ay jirto cadaalad-darro ku saabsan saami-qeybsiga mashaariicda horumarineed. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa arrintan ku tilmaamay “musiibo siyaasadeed,” isagoo ku hanjabay in Golaha Baarlamaanku ay wasaaradda isla xisaabtan adag la yeelan doonaan haddii aan wax laga qaban xaaladdan.

Xildhibaannada ayaa ugu baaqay Wasiirka in si degdeg ah dib loogu eego qorshaha saami-qeybsiga mashaariicda, si loo xaqiijiyo sinnaanta horumarka gobollada Puntland. Golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in caddaalad lagu dhiso nidaamka mashaariicda si loo gaaro horumar ay bulshadu u dhantahay

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here