Wednesday, December 4, 2024

Biixi oo qirtay guul darro, ballan qaadayna xilwareejin dhamaystiran

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed isku magacaawday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u qirtay guuldarrada xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay doorashooyinkii madaxtooyada, waxa uuna hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Biixi oo markii ugu horeysay ka hadlayay natiijada doorashada ee kasoo baxday Kumiishanka doorashooyinka ayaa si cad u sheegay inuu aqbalay guusha xisbiga Waddani, isagoo ku tilmaamay mid sharci ah oo qayb ka ah dimoqraadiyadda Somaliland. “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu aqbalnay natiijadii doorashada oo uu ku guulaystay xisbiga Waddani . Sharciga, sharafteena iyo qaran-dhiskeenuba sidaas ayey ku jirtaa,” ayuu yiri Biixi.

Waxa uu u mahadceliyay guddiga doorashooyinka, axsaabtii tartamaysey, ciidamadii amniga sugayay iyo dhammaan shacabka Somaliland ee sida nabadda leh u dhiibtay codkooda.

Biixi waxa uu ugu baaqay taageerayaasha xisbigiisa Kulmiye inay u hoggaansamaan natiijada, halka uu shacabka guudna ku dhiirrigeliyay inay si buuxda ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, si Somaliland loo horumariyo .

“Maanta ma aha maalin khilaaf iyo muran, waa maalin aynu wada guulaysanay, oo aynu qarankeenna u dhisnay jid cusub oo horumar leh,” ayuu hadalkiisa raaciyay Biixi.

Tallaabada Biixi ayaa loo arkaa mid muujinaysaa geesinimo iyo hannaanka doorashooyinka Somaliland oo xoogeystay, taas oo kaalin mug leh ka qaadan doonta habsai u socodka xasiloonida iyo nabadda Somaliland.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, murashaxa xisbiga Waddani, ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha Somaliland , isaga oo helay 407,908 cod oo u dhiganta 63.92 % codadkii la dhiibtay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf.

Cirro wuxuu noqday madaxweynihii 6aad ee Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu tagga sanandkii 1991.

Madaxweynihii xilka hayay ee Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa murashaxa xisbiga Kulmiye, ayaa helay 225,519 cod (34.81%), halka murashaxa xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, uu helay codad ka yar 1%. 

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here