Saturday, November 23, 2024

Dawan iyo Somali Public Agenda oo furay albaab cusub oo wadashaqayn ah

Muqdisho (Dawan)- Dawan Media Group (DMG) waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somali Public Agenda (SPA) si loo billaabao wadashqayn cusub oo ku saabsan dhinacayda ay labada hay’adood ka howlgalaan.

Heshiiskan wuxuu hiigsanaya yoolalka waaweyn ee soo socda:

  • In la xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa SPA oo leh khibrad cilmi-baaris iyo DMG oo leh saameyn ballaaran oo warbaahineed.
  • In la dhiirrigeliyo doodaha waxgalka ah ee  ku saabsan maamul wanaagga iyo adeegyada dadweynaha.
  • In la sameeyo  barnaamijyo wacyigelin dadweyne iyada oo dhinac walba qaadanayo kaalintiisa.


    Heshiiska waxa uu sidoo kale diiradda saari doona  dhowr arrimood  oo muhiim ah ayna ka mid yihiin:

1. Cilmi-Baaris iyo Daabacaad: Faafinta wadajirka ah ee qoraallada iyo warbixinada ku saabsan dowlad wanaagga iyo adeegyada dadwaynaha .

2. Tababaro:  Qabashada tababarro iyo aqoon isweydaarsi loogu talagalay saxafiyiinta,  cilmi-baarayaasha, iyo bulshada rayidka ah.

3. Doodaha Dadweynaha: Qabanqaabinta kulamo  iyo barnaamijyo  ku saabsan arrimaha maamulka.

4. Soo Bandhigiidda Cilmi-baarista: Soo bandhigiida natiijooyinka iyo talooyinka cilmi-baarsita ah ee ay sameysay  SPA iyadoo la adeegsanayo madallaha DMG.

5. Isweydaarsiga Khibradaha: Wadaagista  xogta iyo cilmi-baarista si labada dhinac ay uga qeyb qaataan  kobcinta wacyiga dadwaynaha.

Heshiiskan oo socon  doona muddo shan sano ah wuxuu muujinayaa sida labada dhinac ay uga go’antahay dhiirrigelinta barnaamjiyada iyo doodaha waxtarka leh ee ku saabsan maamulka iyo kor u qaadista wacyiga bulshada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here