Muqdisho (Dawan)- Qofna dalkale looma gacangelin karo iyada oo la eegayo shakhsigaas jinsigiisa, midabkiisa, diintiisa, qowmiyaddiisa, asalka qabiilkiisa ama ra’yigiisa siyaasadeed. Sidaan waxaa qoraya heshiis dhawaan uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.
Magaca heshiiska, ayaa ah “Heshiska Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Dembiyada abaabulan ee isaga Gudba Qaramada”
Ansixinta heshiiskaan waxay gogol xaar u ahayd tillaabada ay Soomaaliya uga mid noqotay wadamada saxiixay ee ka midka ah Qarmada Midoobay.
Ujeedka heshiiskan waa la dagaalanka iyo kahortaga dembiyada abaabulan ee isaga gudba wadamada.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meelmariyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa, taariikhdu markay ahayd 23kii bishii October 2024.
Hadaba halkaan ka daawo 7 arrin oo ay tahay inaad ka ogaato heshiiska, waxaana sharraxaya weriyaha Dawan TV, Sakariye Soohoyde.