Wednesday, December 4, 2024

7 arrin ka ogaaw heshiiska QM ee la-dagaalanka dembiyada abaabulan

Muqdisho (Dawan)- Qofna  dalkale looma gacangelin karo  iyada oo la eegayo  shakhsigaas jinsigiisa, midabkiisa, diintiisa, qowmiyaddiisa, asalka qabiilkiisa ama ra’yigiisa siyaasadeed. Sidaan waxaa qoraya  heshiis dhawaan  uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Magaca  heshiiska, ayaa ah “Heshiska  Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Dembiyada abaabulan ee isaga Gudba Qaramada”

Ansixinta heshiiskaan waxay gogol xaar u ahayd tillaabada ay Soomaaliya uga mid noqotay wadamada saxiixay ee ka midka ah Qarmada Midoobay.

Ujeedka heshiiskan waa la dagaalanka iyo kahortaga  dembiyada  abaabulan ee isaga gudba wadamada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meelmariyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa, taariikhdu markay ahayd 23kii bishii October 2024.

Hadaba halkaan ka daawo 7 arrin oo ay tahay inaad ka ogaato heshiiska, waxaana sharraxaya weriyaha Dawan TV, Sakariye Soohoyde.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here