Jig-jiga (Dawan)- Golaha Fulinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa ansixiyay Bayaanka aas-aasidda Golaha Guurtida Dawladda Deegaanka Soomaalida oo kaalintiisu noqon doonto talo bixin.
Golaha ayaa si qoto dheer u falanqeeyey ahmiyada iyo baahida loo qabo helitaanka Gole Guurti oo ka shaqeeya wax wada qabsiga, nabad kuwada noolaanshaha, is-dhex-galka bulshada iyo midnimada, islamarkaasna ka qayb qaata jihaynta isbeddelada bulshada.
Dastuurka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa xeerinaaya in la sameeyo Gole Guurti iyo madax dhaqameedyada oo xiriir iyo wada shaqeyn la yeelan kara Hay’adaha kale ee Dowladda.
Golaha Fulinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay aas-aasidda Golaha Guurtida Dowlad Deegaanka.