Saturday, July 27, 2024

Golaha Fulinta DDS oo ansixiyay Golaha Guurtida

Jig-jiga (Dawan)- Golaha Fulinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya,  ayaa  ansixiyay Bayaanka aas-aasidda Golaha Guurtida Dawladda Deegaanka Soomaalida oo kaalintiisu noqon doonto talo bixin.

Golaha ayaa si qoto dheer u falanqeeyey ahmiyada iyo baahida loo qabo helitaanka Gole Guurti oo ka shaqeeya wax wada qabsiga, nabad kuwada noolaanshaha, is-dhex-galka bulshada iyo midnimada, islamarkaasna ka qayb qaata jihaynta isbeddelada bulshada.

Dastuurka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa xeerinaaya in la sameeyo Gole Guurti iyo  madax dhaqameedyada oo xiriir  iyo wada shaqeyn la yeelan kara Hay’adaha kale ee Dowladda.

Golaha Fulinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay aas-aasidda Golaha Guurtida Dowlad Deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here