Saturday, July 27, 2024

Meliteriga Gabon oo ku dhawaaqay inay xukunka la wareegeen

Libreville (Dawan)- Saraakiisha sare ee ciidamada dalka Gabon ayaa ku dhawaaqay inay la wareegeen talada dalka, kadib markii guddiga doorashadu ku dhawaaqay in madaxweyne Cali Bongo ku guuleystay  madaxtinimada dalkaas markii saddexaad.

Militariga  ayaa ku dhawaaqay in la xiray xuduudaha dalka ilaa amar dambe, lana kala diray hay’adaha  dastuuriga ah ee dalka , iyagoo sheegay inay metelaan qeybaha kala duwan ee  ciidamada.

Saraakiisha sameysay af-gembiga ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu qaban waayay doorasho lagu kalsoonyahay oo hufan.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in ay go’aansadeen in dalka laga badbaadiyo fowdo iyo amni xumo, waxeyna ku dhawaaqeen “Guddiga marxaladda kumeel gaar ah  iyo soo celinta hay’adaha dowladda”.

Dhinaca kale, Wakaalada Wararka ee France-Press ayaa sheegtay in dhawaqa  hubka noocyadiisa kala duwan laga maqalay caasimadda dalka Gabon ee Libreville.

Saacado ka hor, guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Cali Bongo uu markii saddexaad ku guuleystay doorashada madaxtinimo, isagoo helay 64.27% codadkii la dhiibtay, halka musharraxa Albert Ondo Ossa oo ah ninka sida weyn ula loolamay Bongo uu ku soo baxay kaalinta labaad isagoo helay 30.77%.

Dalka Gabon waxaa ka taagnaa xiisad ka dhalatay doorashadii madaxtinimada iyo golaha sharci dejinta  ee dhacday Sabtidii lasoo dhaafay, kadib markii mucaaradku sheegay in lagu shubtay doorashada.

M jirin goob joogayaal caalami ah oo kormeeray doorashada, waxaana la xannibay adeega Internet-ka kadib doorasahda, iyada oo sidoo kale dalka lagu soo rogay bandow.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here