Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka iyo xisbiyada Soomaaliland.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu yiri “Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka”
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ka codsaday Golaha Guurtida iyo Wakiillada in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Soomaaliland.
Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ee Waddani iyo UCID ayaa si isku mid ah u taageeray go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta, waxeyna tilmaamen in wada jir loo baahanyahay xilligaan si looga samata baxo dhibaatooyinka wiiqi kara jiritaanka Soomaaliland.
Guddiga dhex-dhexaadinta ayaa soo saaray in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex galay xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.