Tuesday, December 3, 2024

Muuse Biixi oo aqbalay go’aankii guddiga dhex-dhexaadinta

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay  go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka iyo xisbiyada Soomaaliland.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu yiri “Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka”

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ka codsaday Golaha Guurtida iyo Wakiillada in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Soomaaliland.

Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ee Waddani iyo UCID ayaa si isku mid ah u taageeray go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta, waxeyna tilmaamen in wada jir loo baahanyahay xilligaan si looga samata baxo dhibaatooyinka wiiqi kara jiritaanka Soomaaliland.

Guddiga dhex-dhexaadinta ayaa soo saaray in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex galay  xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here