Saturday, July 27, 2024

Muqdisho: Dhimasho iyo dhawac ka dhashay guri dumay

Muqdisho (Dawan)- Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay guri xalay saqdii dhexe ku dumay suuqa Bakaaraha ee magaaalada Muqdisho.

Gurigaan oo ahaa dhismo ka koobaan siddeed  dabaq ayaa soo dumay, waxaana ka dhashay khasaaro isagu jira dhimasho, dhaawac iyo inuu wax yeello u geysto guryihii kale ee la deriska ahaa

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in 3 qof ku dhimatay halka qof kale  dhaawac kasoo gaaray.

Laamaha deb demiska oo gaaray goobta ayaa soo qaaday laba qof oo meyd ah, halka weli la baadi goobayo gabar  yar oo ku jirtay guriga soo dumay.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin sababta keentay inuu soo dumo guriga, inkasta oo dadka qaarkood sheegeen in qaab khaldan loo dhisay guriga.

Bishii May ee sannadkaan, waxaa degmada Shaangaani ee gobolka Banaadir ku geeriyooday afar carruur ah ka dib markii dhismo qadiimi ah oo ku dheggana hoygooda soo dumay saqdii dhexe.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyada oo dadku ku eedeynayaan Injineerada iyo shaqaalaha guryaha dhisa inasyan mas’uuliyad iska saarin dhismaha ay sameynayaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here