By Sayyid Omar
Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Puntland ayaa shalay lagu qabtay kulan looga arrinsanayay la dagaallanka ilaha dhaqaale ee argagixisada, sida lagu sheegay warbaahinta ku hadasha afka Puntland.
Kulanka ayaa shir guddoomiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa, Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, Taliyeyaasha saldhigyada Garoowe, iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Nugaal.
Warbaahinta ku hadasha afka Puntland ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada, la dagaallanka fikirka oo loo dhex marinayo baraha bulshada, Adkeynta xuduudaha iyo ka hortagga firxadka kooxda Daacish ee lagula dagaalamay Buuraha Calmiskaad.
“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada, la tacaalidda taageerayaashooda baraha bulshada, adkeynta xuduudaha, iyo ka hortagga firxadka argagixisada ee Buuraha Calmiskaad.” ayaa lagu yiri TV-ga ku hadla afka Puntland.
Tan iyo dhammaadkii bishii December, Puntland waxay dagaal xooggan kula jirtaa Daacish, gaar ahaan buuraleyda Calmiskad, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda. Puntland ayaa hore u shaacisay howlgal ka dhan ah Daacish, kaas oo ay sheegtay inay ku ciribtirayso kooxahan ku sugan deegaanada Puntland.