Friday, October 18, 2024

IGAD oo ka digtay in colaadda Suudaan ku baahdo Gobolka

Nairobi (Dawan)- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku kulmay Guddiga urur goboleedka IGAD u qaabilsan xal u helidda colaadda Suudaan ee kala ah, Madaxweynaha Kenya, William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit iyo Wasiirka Difaaca Itoobiya, Abreham Belay.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki, iyo Xoghayaha Fulinta urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu

Ka qeyb gelayaasha kulanka oo dib u milicsaday go’aanadii kasoo baxay shirkii ugu horeeyay ee guddiga IGAD 10-kii bishii July  ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka jirta dalka Suudaan.

Guddiga IGAD ayaa sheegay in dagaalladu sii xoogeysteen kuna fideen goobo cusub taas oo uga sii dareysa xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah.

Bayaan kasoo baxay Guddigaan ayaa lagu cambaareeyay sii socoshada  dagaalka , waxaana loogu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan xal ku jirin xabbadda , sidaad darteedna loo bahanyahay kulamo fool ka fool ah oo ay yeeshaan dhinacayda is dagaalaya,  si xal looga gaaro colaadda kusii baaheysa qeybaha kala duwan ee Suudaan .

Guddiga afartaan dowladood ayaa soo jeediyay in la mideeyo dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro colaadda Suudaan iyo in loo istaago sidii gargaar bini aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay colaadda.

Guddiga IGAD ayaa ku baaqay in colaadda Suudan ka jirta lagu xalliyo qaab  wada hadal ah oo loo marayo hannaan qorsheysan oo ku dhisan wadatashi loo dhanyahay.

 Guddigu wuxuu kale uu soo jeediyay, iyada oo laga duulayo halku dhigga qaaradda Africa ee ah “dhibaatada Afrika, waxaa looga bixi kara xal Afrikaan ah” in Midowga Afrika iyo dowladaha deriska la ah Suudaan u istaagaan wax ka qabsahda colaadda Sudaan iyada oo la kaashanayo hay’adaha caalamiga ah.

Guddiga IGAD ayaa ka digay in  colaadda Suudaan sii baahdo maadaama hub fara badan gacanta u galay dadka taas oo ku keeni karta gobolka amni xumo iyo  siyaasad aan degganeyn.

Waxaa ugu dambeyn lagu sheegay bayaanka ay soo saareen Guddigaan in dowladaha xubinta ka ah IGAD ay bixin doonaan min hal malyan oo dollar, si wax looga qabto xaaladda bini aadanimo ee ka jirta dalka Suudaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here