Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha

Marrakesh (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Marrakesh ee dalka Morocco kula kulmay dhiggiisa Qatar, Cali bin Axmed Al Kuwari.

Labada Wasiir ayaa kawada qey gelaya shirka Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo xilligan ka socda magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira danaha guud ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada maaliyadda iyo dhaqaalaha, iyo tillaabooyin looga gol leeyahay in lagu ballaariyo baaxadda dadaallada wadajirka ah ee hormarinta dhinaca dhaqaalaha.

” Waxaan kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda Qatar Mudane Cali bin Axmad oo ku sugan magaalada Marrakech. Waxaan wadaagnay fikrado ku saabsan guusha barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, mustaqbalka deymaha cafinta ka dib, iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya Qatar” ayuu yiri, Biixi Iimaan Cige.

25- kii Maarso ee sannadkii 2020-ka ayay guddiyada fulinta ee sanduuqa lacagta adduunka iyo ururka hormarinta caalamiga ah ee Bangiga adduuka (IDA) ay isku raaceen in  Soomaaliya soo gaartay xilliga deyn cafinta iyada oo la raacaayo hormarinta dalalka saboolka ah ee deynta culus (HIPC) ka dibmarkii ay ka soo gudubtay seddexdi sano ee loo qabtay 2018-kii si ay usoo gaarto heerka deyn cafinta.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here